Soomaalida Koonfur AFrica kunool oo ka qeybgalay bandhig dhaqameed halkaasi lagu qabtay

Date:

Waa barnaamij hido iyo dhaqan ah oo ay soo agaasintay Jaamacada Johannesburg waxaa ka qeybgalayay ardayda dhigata jaamacadaasi ee ka kala yimid dalalka dunida waxaa ka  mid ahaa ardayda Soomaalida ee jaamacadaasi wax ka barta.
Arday walba waxaa ay soo bandhigayeen hidaha iyo dhaqanka dalkooda sida cunnada ay dhaqan ahaan leeyihiin,dharka dhaqanka oo ay xertaan ,cayaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo wax waliba oo ay lasoo shirtagi karaan si ay u muujiyaan in ay ka dhax muuqdaan dhaqamada kala duwan ee halkaasi lagu soo bandhigayay.
Dhalinyarada ka socotay in ay soo bandhigaan hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa goobta soo galay waxaana durbadiiba is qabsaday sawan iyo sacab muujinayay in lagu soo dhaweynayo kooxda soo gashay masraxa waxaa ay ahaayeen afar wiil iyo afar  gabdhood   oo kusoo labistay dharka iyo hidaha dhaqanka Soomaalida kadibna waxaa ay halkaasi kusoo bandhigeen cayaaro iyo hido dhaqan ah.
Inta aysan garoonka soo galin waxaa maqr qura loo aamusay in lagu tacsiyeeyo dadkii ku dhintay qaraxii waxuushnimada ahaa ee kooxda shabaabku ku gumaadeen shacabka Masaakiinta ahaa 14-kii bishaan isgoyska Zoobe.
Suldaan Ibraahim qaxwo waa muwaadin Somaali ah oo inta badan xil iska saaray ilaalinta dhaqanka Soomaalida kaalin weyna ka qaata marka timaado barnaamijyada noocaan oo kale Radio muqdisho waxaa uu u sheegay cunooyinka ay soo bandhigeen maanta ay aad u jecleysteen dad waynahii kasoo qeybgalay isla markaana la dhameystay.
Markii ay soo dhamaatay cayaarta ayaa guddiga garsoorka ee qiimaynayay dhaqamada kala duwan kooxaha soo bandhigayay waxaa ku dhawaaqeen natiijada cayaarta waxaana Soomaaliya ay soo gashay kaalinta labaad.
Waxaa Sido Kale Soomaaliya ay  kaalmo ugu horeeya ka heshay qurxinta iyo diyaarinta waxaa ay ka haleen kaalinta kowaad,cayaarta ay soo bandhigeeen kaalinta labaad halka sido kale kaalinta labaad ay ka galeen dharka iyo hidaha iyo dhaqanka.

Cabdullahi Maxamuud Amiin.

C/laahi Qorshe

Johannesburg-South Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo magacowday xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka

Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY LATALIYAHA AMNIGA QARANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen...