Burundi oo ka baxaysa Maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC

Date:

Bujumbura-(SONNA)-Dowladda Burundi ayaa lagu wadaa inay Maanta oo Jimca ah isaga baxdo xubinnimada Maxkamada caalamiga dambiyada dagaalka ee ICC-da.

27-kii Oktoobar  2016-kii ayay ahayd markii Burundi ay warqad u qortay xoghayihii hore ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa Ban Ki-Moon, taasi oo ku aaddanayd iney gebi ahaanba isaga baxayaan Maxkamadda Sanad ka dib.

Waxaa sidoo kale xilligaasi warqado ay ku saluugayaan ICC-da u diray Qaramada Midoobay wadamada Gambiya iyo koonfur Afrika, halka Kenya iyo Ugandhana ay ku gooddiyeen inay qaadayaan talaabadaasi mid la mid ah.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Waddama Qaaradda Afrika ayaa Maxkamadda dembiyada dagaalka ee Hague ku eedeeyay iney ugaarsato oo qura madaxda Afrika taasina aan loo dulqaadan karin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR AHNA OO DAAH-FURAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE DUGSIYADA DHEXE

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...