Ra’iisul wasaare Kheyre oo u Ambabaxay Dalka Turkiga

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dowlada aan walaalanahay ee Turkiga.

Mudane Xasan Cali Kheyre waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga lagu wado inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona dhigiisa Turkiga Binali Yıldırım, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya, sida dowlada Turkiga ay kaga qeyb qaadan karto dagaalka dalka looga xureynayo Argagaxisada Al shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ayaa uga mahad celin doona Madaxweynaha Turkiga gurmadka shacabka iyo dowlada Turkiga ay u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed ee waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu booqan doonaa Isbitaalada la geeyay dhaawacyada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, 14-kii bishan, sidoo kale wuxuu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...