Shabeelada Dhexe(SONNA) Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa warbixin gaar ah oo aan kaga hadleyno saameynta Colaadda iyo abaarta ay ku yeelatay dadka degan deegaanka Koogaar, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ka soo barakacay deeegaanka Koogaar oo ka tirsan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Dagaal beeleed ku dhex maray laba beelood oo walaala ah, taasi oo heshiis horudhac ah laga gaaray, waxaana ka muuqday dadka iyo duunyada dhibaatooyin ka dhashay dhinacyada abaarta iyo colaadda, iyadoo dhulka uu yahay mid aad u kulul oo aan wax roob ah ka di’in seddexdii sano ee la soo dhaafay.
Balse waxaa soconaya dadaalo loogu gurmanayo dadkaasi iyadoo boqolaal qoys ay ka faa’idaysteen deeq gar gaar ah oo isugu jirta nuucyada kaladuwan ee quutul daruuriga taasi oo loogu talagalay in lagu kaabo nolosha dadkaasi
Dadka ku nool deegaannada hoos taga Degmada Cadale ayaa waxa ay la daala dhacayaan abaarta saameysay noloshooda” maadaama ay ku xoolo beeleen waxaana dadka degan deegaanka Koogaar ka muuqato daruufo adag oo xagga nolosha ah.
Dadka ku nool deegaannada iyo tuulooyinka hoos taga Degmada Cadale ayaa waxa ay noloshooda ku tiirsantahay Xoolaha, Beeraha iyo kalluunka.
Qaar ka mid ah dadkii ka faa,iideystay deeqdaasi raashiinka ayaa ka mahad celiyay deeqda la soo gaarsiiyay waxeyna ugu baaqeen dowladda dhexe soomaaliya iyo maamulka hir shabeele in ay soo eegaan xaalada ddakaasi ay ku noolyihiin
Nabadoon Maxamed Xuseen Howl laawe iyo Nuur Ciyow Geesey oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa ka hadlay xaalada nololeed ee dadka barakacayaasha ah.
Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ee degmada Cadalle ee Gobolka shabeelaha dhexe Xuseen Muxyadiin Cabdulle ayaa ka warbixiyay baahiya ay qabaan dadka barakacayaasha iyo waxyaabaha ay soo gaarsiiyeen cod
dadkan lu nool deegaano hoos taga degmada cadalle ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshay abaarta iyo colaada ka taagan Gobolka waxaadna ka dareemeysaa deegaanadaasi biyo la ,aan iyo Caafimaad daro haysata dadka deegaanka
Waxaa halkaas dhawaan Safar shaqo ku tagay Wariye Muuse Cismaan Abtow oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Warbixintaana ka diyaariyay.