Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Khartuum ee Suudaan

Date:

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kasoo amababaxay Magaaladda Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan.

Wafdiga gudoomiyaha oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Khartuum kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Suudaan ,mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaiya ee Dalka Suudaan iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda tan Khartuum.

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo wafdigiisa ayaa mudada ay joogaan Dalkan Suudaan waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka Suudaan oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Baaarlamaanka ee Dalkan sida uu Warbaahinta uu u sheegay Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka.

Wafdiga uu gudoomiye Jawaari horkacayo ayaa lagu wadaa in suudaan ku qaataan booqasho seddax maalin ah isagoo soo booqan doono warshado waa weyn oo Khartuum ku yaala iyo Jaamacadaha Ardayda Suudaan waxka bartaan kuwooda ugu waa weyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...