Madaxweyne C/weli Gaas”Waan soo dhaweynaynaa casuumaadii uu noo fidayay madaxweynaha Soomaaliya”

Date:

Garowe(SONNA) Hadalkan uu jeediyay madaxweyne C/weli Gaas ayaa ka dambeeyey markii uu la kulmay Guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Garoowe,kuwaasi oo markii ay gaareen magaalada Garoowe soo dhaweeyey madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyagoo si wada jir ah saxaafadda ula hadlay kadib kulan ay ku yeeshey madaxtooyada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa soo dhaweeyey imaatinka wafuudaasi iyagoo sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay wadashaqeynta hay’adaha Dowladda Heer Federaal iyoi heer maamul Goboleed.
Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada si  loo horumariyo howlaha horyaala Dowladda,wuxuu sidoo kale sheegay in ay aqbaleen casuumaad uga timid madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u mahad celiyay madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in Golaha Aqalka sare uu xiriir gaar ah la yeelan doono baarlamaanka Dowlad goboleedyada.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa u mahad celiyay madaxda iyo Shacabka Dowlad goboleedka Puntland sida ay ugu soo dhoweeyeen magaaladda garoowe,wuxuuna muujiyay in ay diyaar u yihiin Golaha Shacabka in la iska kaashado horumarinta danaha umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....