Taliyaha Ciidamada xooga dalka oo kulan la qaatay Taliyaha Tababarada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SONNA) Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kula kulmay Taliyaha Tababarada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis pietro.

Kulankan ayaa wuxuu ahaa mid isbarasho ah maadaama dhawaan la magacaabay Taliyaha Ciidamada Xooga dalka, sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa Tababarada Midowga Yurub ay siiyaan Ciidamada xooga dalka iyo sidii wada shaqeyn u dhex mari laheyd labada Masuul.

C/wali Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa uga mahad celiyay Taliyaha sida Midowga Yurub ay ku garab taagan yihiin Ciidamada xooga dalka, iyagoo bixiya Tababaro heer sare sidoo kalena ku taageera ciidamada Soomaaliya Saanad Militari.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa ka codsaday Taliyaha Tababarada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis pietro, inay door weyn ka qaataan dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dalka oo dhawaan lagu qaadi doono deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab iyo in Midowga Yurub Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya la sii xoojiyo, maadaama dalka uu ka socdo dib u dhis xoogan oo lagu sameynayo Ciidamada si loo xaqiijiyo xasilinta amniga guud ee dalka.

C/wali Jaamac Gorod ayaa maalmahan waday kulamo uu ku dardar galinayo howlaha horyaala ciidamada xooga dalka, isagoo shalay kulan la qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, waxayna ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka, guud ahaanba dalka looga ciribtirayo cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...