Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo ay si weyn u soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulkaasi.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, isagoo halkaasi la filayo inuu ka jeediyo Khudbad.
Sidoo kale waxaa magaalada Jowhar gaaray wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka sida Madaxweyneyaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo sidoo kale marti kale oo lagu casuumay Munaasabada.
Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo gudaha iyo daafaha magaalada ciidamo aad u sugaya amaanka, iyadoo shacabka Magaalada Jowhar ay qeyb ka qaadanayaan soo dhaweynta wafuuda kala duwan.
Xaflada caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa si toos ah ugala socon kartaan Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, Radio Muqdisho iyo Baraha Bulshada Warbaahinta Qaranka.