Shirka Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladd Goboleedyadda oo Maanta Muqdisho ka furmayo.

Date:

Maanta ayaa lagu wadaa sida Qorshu yahay in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka madaxda dolwadda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Shirkaan ayaa horay waxaa u iclaamiyay in maata oo taariikhudu tahay 28-ka Bisha October uu magaalada Muqdisho ka furmo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgali doono Guddoomiyaha Gobalka banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Waxaa looga hadli doonaa Shirkaan wadashaqaynta Dowladda Dhexe ee dalka iyo Dowlada gobaleedyada iyo sidoo kale Dagaalka lagaula jiro Maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab in la sii xoojiyo.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegay in loo baahanyahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Argagixisada Al-Shabaab kuwaas oo u taagan dhibaartaynta Shacabka Soomaaliyed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...