Madaxweynaha Hirshabelle Oo Jowhar Kulan Kula Qaatay AMISOM”Sawirro”

Date:

Jowhar(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta ee  Midowga Africa AMISOM  Iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo xaqiijinta amniga guud.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa kulanka Saraakiisha Amisom uu la qaatay ku wehelinayay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana kulanka la isku dhaafsaday sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ciidamada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka howlgala iyo kuwa Amisom iyo in si dhab ah uga qeyb qaataan sugida amniga guud ahaan deeganada Hirshabelle gaar ahaan Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo maalinta Isniinta lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka.

Taliyaha Sectar 5 ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM Gen Voctor oo saraakiishaasi hogaaminayay ayaa balan qaaday in si dhow ay u wada shaqeynayaan saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howgala gobolka ayna sii xoojin doonaan xaqiijinta amniga, sidoo kalena ay qorsheynayaan in ay ka shaqeeyaan dib u dhiska wadooyinka iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo uu midowga Africa fulinayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa Amisom ugu mahadceliyay sida har iyo habeen ay ugu soo jeedaan sugida amniga, waxaana uu ku ammaanay doorkooda la xiriira garab istaaga Soomaaliya, waxaana uu si qoto dheer saraakiisha uu kaga warbixiyay sida mudnaanta koowaad uu u siinayo amniga iyo sida lagama maarmaanka ay u  tahay in la iska kaashado howlaha horyaala ciidamada si gaar ah waxaa uu carabka ugu adkeeyay sidii loo xaqiijin lahaa amniga inta lagu gud jiro xafladda caleema saarka oo dhaceysa 23 bishan oo maalin uun ay ka harsantahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada uu joogo xafiiska sidaan oo kale kulama Muqdisho kula soo qaatay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Midowga Africa Amisom, iyo kuwa Soomaalida oo uu kala hadlayay arrimaha Amniga deegaanada Hirshabelle iyo sida muqadas ay u tahay in cadowga laga dulqaado bulshada ku dhibaateysan Deegannada Hirshabelle  oo ay go’doomiyeen  Al Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...