Gaalkacyo: Barakacayaal la gaarsiiyay lacag iyo agab kale

Date:

Gaalkacyo(SONNA)_Deeqdaan oo isugu jirtay bacaha roobka iyo lacag ayaa waxaa mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Maamulka Gobalka Mudug iyo Degmada Galkacyo ay gaarsiiyeen qaar ka mida qoysaska abaaraha ku xoola beelay ee ku sugan xeryaha barakacayaasha Gaalkacyo.

Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegayin deeqdan ay tahay mid ay ku soo tabaruceen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Brigham ee dalka Ingiriiska, kuwaasi oo la xanuunsaday dhibaatada heysta dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Mudug Cabdi Xuseen oo isna ka hadlay goobta deeqda lagu bixinayay ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadiisa in loo wada istaago ugurmashada bushada Soomaaliyeed ee ay haystaan dhibaatooyinka kala duwan.

Dhinaca kale magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa ka socanaya arruurinta gurmad looga qeyb qaadanayo caawinta walaalaheena Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii 14kii bishan ay koooxda naf iyo nolal diidka Ummadda ee Al-Shabaab ka geysteen isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho ee caasimada Dalkeena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...