Xaaladda Caafimaad ee dhaawacyadii la geeyey Turkiga oo soo haggaagaysa

Date:

Turkey(SONNA) Qaar ka mid ah Dhaawacyaddii  la geeyey dalka Turkiga ayaa Xaaladooda caafimaad kasoo reyneysa, iyadoo lagu guuleystay qaliino lagu sameeyey qaar ka mid ah 35-ta bukaan ee la geeyey xarumaha caafimaadka ee Dalka Turkiga.

Dhawaacyada loo qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa loo qeybiyey afar isbitaal oo ka mid ah isbitaaladda ugu wanaagsan ee dalka Turkiga , 22 qof waxaa la jiifiyay Polati Hospital , 3 qof oo carruur ah waxaa la dhigay Deshkapi Hospital, 8 qof Ankara Namune Hospital halka 2 qof la seexiyay Ataturk Hospital.

Xaalada 10 ka mid ah dhaawacyada loo qaaday Dalka Turkiga ayaa ku jira xaalad adag, qaarkood coma ayay ku jiraan, kuwaasi oo la ogoleyn in la booqdo, qaarna goobta baxnaanada AMA ee gargaarka gaarka ah ayaa la jiifiyay, kuwaasi lagu guuleystay qaliinadooda, isla markaana ah kuwa la wareysan karo.

Waxaa socdo dadaalo isdaba joog ah, qorsheyn iyo isbedelid bukaanada haddii loo arko in isbitaal kale lagu wareejiyo, si loo baxnaaniyo.

Wasaaradda caafimadka ee Turkiga ayadoo kaashanaysa safaaraddda Soomaaliya iyo guddiga ardayda waxaa qof waliba oo bukaan ah loo sameeyay qof u turjumo, maadaama ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga ay aqoon u leeyihiin luuqadda dalkaasi, taasi oo fududeyneysa in ehelada la socda dhaawacyada ay ku qancaan hanaanka loogu gurmanayo.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Turkiga oo ay ka wada hadleen xaaladda caafimad dhaawacyada Isbitaalada jiifa iyo in la filans karo mustaqbalka dhaw qeyb kale hadii ay dowladda Turkiga naga caawin karto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...