Agaasimaha SONNA oo booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sucuudiga

Date:

Sucuudiga(SONNA) Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA C/llaahi Sheekh C/raxmaan Haybe oo kusugan Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa uu booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Jidaha ee Dalkaasi Sucuudiga.

Wafdiga ayaa wuxuu booqday qeybaha ay ka koobantahay qunsuliyadda wuxuuna u kuurgalayey sida ay u shageyso qunsuliyadda iyo adeegyada kala duwan ee ay u heyso jaaliyadda soomaaliyeed ee Boqortooyada Sucuudiga kunool waxaana ku wehliya Ibraahim Maxamuud Axmed Azhari oo katirsan howlwadeenada Wakaaladda SONNA.

Waxaa halkaasi ku  soo dhaweynayey qunsul ku xigeenka safaaradda Soomaalioya ee Sucuudiga Mudane Axmed Nuur Diiriye Xoghayaha koowaad ee Safaaraddaasi ee dhinaca arrimaha bulshada Nuur Maxamed Gaata iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sucuudiga iyo Wefdiga Agaasimaha Soona u hoggaaminayo ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii Wakaaladda iyo safaaradda ay isga kaashan lahaayeen baahinta wararka muhiimka u ah bulshada iyo adeegyada loo hayo Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...

Wasaaradda Shaqada XFS oo heshiis shaqo abuur ah la saxiixatay dalka Qatar 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda...