Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab ka saarey deegaano katirsan Shabeelada Hoose

Date:

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa maant gaaray deegaanada Mareerey,Sabiible iyo Caanoole halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyada SHabaab.

Maleeshiyadii Shabaab ayaa lagu soo waramaya in ay faarujiyeen deegaanadaasi markii ay dareemeen culeys militari oo kaga yimid ciidanka Xoogga Dalka oo u taagan sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga Difaaci lahaayeen Cadowga Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen deegaandaasi,taasi oo qeyb ka ah howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Shabaab.

Koxdii Shabaab oo deegaanadaasi ku sugnayd ayaa lagu soo waramaya in ay u kala firxadeeen howdka islamarkaana lagu raad joogo meelihii ay galeena ay ciidamadu uga daba tagayaan meelaha ay maleeshiyadaasi ku dhuumaalaysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....