Marxuum Bootaan Ciise Caalin oo lagu aasayo dalka India

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiiru dowladaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin lagu aasayo dalka India.

Wasiiru dowladaha oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u xajiiyay in kulan ay isugu yimaadeen Senetarada, Xildhibannada golaha Shacabka, Nabadoonada, Ugaasyada iyo Ehelada Marxuumka ay isku afgarteen in Marxuumka lagu aasayo Qabuuraha Muslimiinta ee dalka India.

Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa xusay in madaxda safaaradda Soomaaliya ee dalka India ay aas Qaran u sameynayaan marxuumka maanta oo khamiis ah, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb geli doonaan Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka India.

Wasiiru dowladaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in tacsi iyo baroor diiq socon doonto muddo saddex cisho ah loogu sameyn doono Muqdisho, isla markaana Xildhibaannada iyo saaxiibadiisa ay la soo xiriiri karaan Eheladiisa, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Banaadir, Wasiiru dowlaha, Wasiiru dowlahii hore ee Dastuurka, iyo XildhibaaNnada laba Aqal ee kasoo jeeda beesha uu ka dhashay marxuumka.

Allaha u naxariistee Marxuum Bootaan Ciise Caalin waxa uu Xildhibaanimada ku soo biiray tan iyo dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iyadoo marxuumka isla xilligaas soo noqday Wasiirkii hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo...