Angelino Alfano “Talyaanigu wuxuu rabaa in uu muujiyo taageeradiisa dhammaan qoysaska dhibanayaasha iyo kuwa Ku dhaawacmay Qaraxii Soobe”,

Date:

Muqdisho(SONNA) Dowladda Talyaaniga ayaa lacag dhan 300,000 oo Euro ugu deeqday Soomaaliya si wax looga qabto dadka waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii wuxuushnimada ay kooxda Argagixisada Al-Shabaab ka geysteen 14-kii bishan Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Talyaaniga Angelino Alfano oo ka hadlay muhiimada deeqdaan lacageed ayaa carabka ku adkeeyay in wax uun ay ka tarto dhibaatada dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdsho.

“Waxaan diyaariyey adeegga Talyaaniga ee gargaarka deg degga ah ee 300,000 oo Euro si ay kaalmo ugu noqoto Ururka Caalamiga ah ee Bisha Cas (FICROSS), qayb ahaan lacagtan waxaa si gaar ah loogu tala galay in wax looga qabto weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Angelino Alfano.

Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiir Alfano ayaa Yiri “Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay awoodi doontaa inay lacagtaan ka timid Talyaaniga u adeegsato si ay u siiso daryeel caafimaad kuwa ku dhaawacmay weerarka,”

Sabtidii la soo dhaafay oo ay taariikhda ku beegneyd 14-ka October,wuxuu weerar argagixiso uu ka dhacay Isgoyska Soobe,kaasoo ay ku dhinteen 280-Qof halka ilaa iyo 300-Qof ay ku dhaawacmeen,waxayna Dowladda Talyaaniga shaacisay iney dooneyso muujinta taageerada dhamaan Qoysaska dhibanaasha ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...