Madaxda qaranka oo ka qeybgalaya banaan bax ka socoda Garoonka Koonis

Date:

Dibad bax ballaaran oo ka dhanka ah falalka guracan ee maleeshiyada Alshabaab ayaa haatan waxaa uu si toos ah uga soconaya garoonka kubadda Cagta Koonis ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho,iyadoo ay joogaan madaxda qaranka.

Madaxweynaha JFS,Guddoomiyaha Aqalka sare iyo R/wasaaraha XFS ayaa ka qeybgalay bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo dhibaatooyinka ay Shacabka ku hayaan Maleeshiyada Shabaab iyo qarixii Soobe kaasi oo haatan ka soconaya Garoonka kubadda Cagta ee Kooonis ee magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa ku qeylo dhaaminaya Alshabaab dooni mayno iyo hadalo kale oo ay ku muujinayaan sida SHabaab ay cadow ugu  yihiin umadda Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintan ayaa khudbad u jeedinaya shacabkii ka qeybgalay dibad baxaasi,iyagoo ku boorinaya in ay muujiyaan isku duubni si loo wajoho ka hortaga khataraha uu cadowgu u soo maleego umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay mar kale faragelin Israa11l ee madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo lagu wado inay ka dhacaan gobolka Hiiraan.

Qaban-qaabada isu-soo-baxyo ballaaran oo lagu taageerayo midnimada iyo wadajirka...

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...