Madaxda qaranka oo ka qeybgalaya banaan bax ka socoda Garoonka Koonis

Date:

Dibad bax ballaaran oo ka dhanka ah falalka guracan ee maleeshiyada Alshabaab ayaa haatan waxaa uu si toos ah uga soconaya garoonka kubadda Cagta Koonis ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho,iyadoo ay joogaan madaxda qaranka.

Madaxweynaha JFS,Guddoomiyaha Aqalka sare iyo R/wasaaraha XFS ayaa ka qeybgalay bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo dhibaatooyinka ay Shacabka ku hayaan Maleeshiyada Shabaab iyo qarixii Soobe kaasi oo haatan ka soconaya Garoonka kubadda Cagta ee Kooonis ee magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa ku qeylo dhaaminaya Alshabaab dooni mayno iyo hadalo kale oo ay ku muujinayaan sida SHabaab ay cadow ugu  yihiin umadda Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintan ayaa khudbad u jeedinaya shacabkii ka qeybgalay dibad baxaasi,iyagoo ku boorinaya in ay muujiyaan isku duubni si loo wajoho ka hortaga khataraha uu cadowgu u soo maleego umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duqeyn Qorsheysan Ka Fuliyay Deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...