Gobolada Dalka oo ka socoda banaan baxyo ka dhan ah Shabaab

Date:

Dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxi Soobe iyo falalka arxan darrada ah ee maleeshiyaadka Shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

Wariyaheena nooga soo warama Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa soo sheegaya in dibadbaxan ay ka qeybqaateen Kumanan dadweyne ah kuwaasoo socod kusoo maray wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi, waxeyna ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab    .

Dibad Baxayaasha ayaa sheegay in xiligan la joogo wakhtigii loo midoobi lahaa la dagaalanka Al shabaab,waxaana Dhaliyarada Boroordiiqaysay ay wacad ay ku mareen  in ay u dhimandoonaan Difaaca dalkooda.

Ficillada waxuushnimada ah ee Al shabaab ay sameeyaan ayaa ah kuwo Marwalba Bulshada Soomaaliyeed ku abuura . Murugo . Balse Xasuuqan ka dhacey Soobe ayaa u muuqada mid mideynaya dareenka Ummadda Soomaaliyeed . madaama Shabaab ay u soo jeesteen daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee abriyada ah.

Dhanka kale Dibadbaxyadii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeedo falalka guracan ee maleeshiyaadka Shabaab iyo xasuuqii ka dhacay isgoyska Soobe ayaa maanta lagu qabtay magaalooyinka Dhuusamareen iyo Guriceel.

Wariyaha nooga soo warama deegaannadaasi Maxamed Deeq Cabdi Maxamed ayaa soo sheegaya in dibadbaxani ay ka qeybqaateen kumannaan dadweyne ah oo aad uga careysnaa xasuuqii lagu laayay boqolaal shacb Soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan.

Banaanbaxayaasha oo badankood madaxa ku soo xirtay weer gaduudan ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab, waxeyna socod ku soo mareen wadooyinka magaalooyinkaasi.

Mas’uuliyiin la hadashay dibadbaxayaashaasi ayaa dalbaday in meel looga soo wada jeesto maleeshiyaadka Shabaab, iyagoo sheegay in la gaaray xilligii midnimada ummadda iyo baaba’ maleeshiyaadka Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...