Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qaranka oo Deeq lacageed ku warreejiyey Guddiga Gurmadka Qaranka “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qalabka sida, ayaa Deeq lacageed oo dhan 2.000$ oo iyaga dhexdooda ay iska soo arruuriyeen ku wareejiyey Guddiga Gurmadka qaranka, waxaana ka guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow.

Guddooomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed Axmed Jaamac Muuse oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA kula hadlay Gudaha Xarunta Gurmadka Qaranka, ayaa sheegay in ay ka xun yihiin Musiibadii ka dhacday Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, isagoo kuwa dhaawacyada culus qaba eebe uga baryey Caafimaad deg deg ah.

” Lacagta maanta aan ku wareejinay Guddiga Gurmadka Qaranka waa lacag innaga dhexdeena aan iska arruurinayey, mushaaradkeena ayaa iska jarnay si ugu gurmano dhibaatada soo gaartay dadkeena, runtii waan la xanuunsaneynaa dadkaasi” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Jaamac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...