Maamulka Degmada Heliwaa oo faah faahin ka bixiyay dib u dhiska waddada Balcad iyo Muqdisho “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa faah faahin ka bixiyay socdaal dhawaan wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan ay ku tegeen xarunta Degmada Heliwaa, kuwaasi oo u kuurgalayay xaaladda degmada iyo horumarka ka jira degmada.

Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle Guddoomiyaha Degmada ayaa madaxda uga warbixiyay xaaladda amni iyo tan horumar ah ee ka jirta degmada Heliwaa, waxaana ujeedka wafdi ay ahayd sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Waddada Balcad ee isku xirta Gobollada Benaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Intaas kaddib wafdiga ayaa waxa ay tegeen Waddada si ay u soo qiimeeyaan qaabka ugu dhaw ee dib loogu dhisi karo.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ayaa xusay in dhankooda ay xoogga saaraaan xaqiijinta amniga Degmada, waxaana uu shacabka ka codsaday inay ka qeyb qaataan doorka uga aadan dib u dhiska waddada isku xirta Balcad iyo Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaanshigga XFS oo tegay Awdheegle

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo...