Magaalada Raqqa ee Syria oo ka sii baxaysa gacanta Daacisho

Date:

Syria(SONNA) Wararka ka imaanaya dalka Syria ayaa sheegaya in Xoogaga ka dagaalamaya magaalada Raqqa ee mareykanku taageerayo ay duulaankii u dambeeyey ku qaadeen maleeshiyaadka kooxda Daacish ee halkaasi ku sugan.

Waxaa lagu soo waramayaa in koxda Daacish ay isaga bexeen halkaasi markii ay daremeen hujuumaad culus oo kaga imaanaya dhinaca xooggaga ka hor jeeda.

Laakiin tiro aan badneyd ayaa magaalada dhexdeeda baaqi ku ah, kooxaha soo duulayna waxay sheegeen in ay dagaalka wadayaan ilaa ay magaalada ka sifeynayaan maleeeshiyaadka diidan in ay is dhiibaan.

Magaalada Raqqa ayaa ahayd goobta ugu weyn oo fariisinta u ahayd Maleeshiyadaasi,iyadoo talaabadan ay dhabar jab xooggan ay ku noqonayso Daacish.

Muddo sanado ah oo ay socdaan dagaalada ka dhanka ah Daacish ayaa waxaa ay galaafteen nolosha kumanaan ruux iyo barakaca malaayiin kale,qoxootiga Syriyaanka ah ayaa galay qaar kamid ah wadamada dersika ah halka qaar kalena ay gaareen wadamada Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...