Magaalada Raqqa ee Syria oo ka sii baxaysa gacanta Daacisho

Date:

Syria(SONNA) Wararka ka imaanaya dalka Syria ayaa sheegaya in Xoogaga ka dagaalamaya magaalada Raqqa ee mareykanku taageerayo ay duulaankii u dambeeyey ku qaadeen maleeshiyaadka kooxda Daacish ee halkaasi ku sugan.

Waxaa lagu soo waramayaa in koxda Daacish ay isaga bexeen halkaasi markii ay daremeen hujuumaad culus oo kaga imaanaya dhinaca xooggaga ka hor jeeda.

Laakiin tiro aan badneyd ayaa magaalada dhexdeeda baaqi ku ah, kooxaha soo duulayna waxay sheegeen in ay dagaalka wadayaan ilaa ay magaalada ka sifeynayaan maleeeshiyaadka diidan in ay is dhiibaan.

Magaalada Raqqa ayaa ahayd goobta ugu weyn oo fariisinta u ahayd Maleeshiyadaasi,iyadoo talaabadan ay dhabar jab xooggan ay ku noqonayso Daacish.

Muddo sanado ah oo ay socdaan dagaalada ka dhanka ah Daacish ayaa waxaa ay galaafteen nolosha kumanaan ruux iyo barakaca malaayiin kale,qoxootiga Syriyaanka ah ayaa galay qaar kamid ah wadamada dersika ah halka qaar kalena ay gaareen wadamada Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...