Shacabka oo wada gurmad loo fidinayo dadka qaba dhaawacyada ee kujira Isbitaalada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Dad Shacab ah ayaa buux dhaafiyay Isbitaallada iyo sidoo kale Isgoyska Soobe Magaalada Muqdisho sida ay kusoo waramayaan wariyeyaasha SONNA qaarkood oo halkaasi tagay, Waxaa jira dad badan oo ilaa iyo hadda geeri iyo nolol aan gacanta lagu heyn.

Dadka Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ka maqan ay ugu war dambeysay Shalay ,islamarkaana qaarkood ay ku sugnaayeen Isgoyska Soobe.

Sidoo kale dadka buuxdhaafiyey Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa doonaya in ay dhiig ugu deeqaan dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarka Argagixisanimo ee shalay galab ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale masuuliyiin katirsan dowladda oo ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Thaapit Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda ayaa gaaray Isbitaalada qaarkood, iyaga oo dhiigooda ugu deeqay dadka shacabka ah ee dhaawacyada qaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...