Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Sadex Maalmood oo Baroor-diiq Qaran ah oo ku aadan Qaraxyadii Argagixiso

Date:

(Muqdisho, SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aaddan musiibadii qaran ee ka dhalatay qaraxyadii argagixisada ahaa ee lala beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla isgooyska Soobbe iyo Laamiga Ceel Qalow ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku nafwaayey qaraxyadaas. Isaga oo Alle uga baryey in uu fadhigooda ka yeello Janada maadama ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuna howlanaa nolashooda maalin laha ah.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyadaan argagixiso gaar ahaan dadka dhaawaca ah ee jiifa Hosbitaalada.

“Qaraxyadaan waxaa lala bartilmaamsaday waddooyinka ugu mashquulka badan caasumadda, waxaa lagu beegay xilligii ugu saxmadda badnaa taas oo muujinaysa inta ay le egtahay cadaawadda ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed, hadaba aan kaga guulaysanno midnimadeenna iyo wada jirkeena.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku amray laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay jawaab cad ka keenaan qaraxaan isla markaasna ay kor u qaadaan howlgallada lagu xaqiijinaayo ammaanka muwaadiniinta. 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey...

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...