Milateriga Turkiga oo gudaha u galay Suuriya

Date:

Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in ciidamadeeda ay gudaha u galeen dalka Suuriya si ay ula dagaallamaan Kooxda Daacish ee ku sugan meello badan oo ka mid ah dalka Suuriya.

Askarta Turkiga oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa ka gudbay xudduudda Suuriya, waxayna Ankara sheegtay inay arrintaas qayb ka tahay hawlgal looga gol leeyahay in lagu joojiyo dagaalka Idlib.

Waxa ay sheegtay dowladda Turkiga in ay ka goโ€™an tahay in tilaabo adag laga qaado Kooxda Al-qaacidda.

War kasoo baxay Ciidamada Milatariga ayaa lagu sheegay in ciidanku ay samaynayaan xarun ay kala socdaan โ€œaagga dagaalka ka caagganโ€ oo qayb ka ahaa heshiis dhex maray Ruushka iyo Iiraan.

Idlib badankeed waxaa gacanta ku haya Hayat Tahrir al-Sham, oo ah isbahaysi jihaad-doon ah oo gacan saar la leh Al Qaacida.

Waxay kaloo xudduud la leedahay deegaanaka Afrin ooTurkigu doonayo inuu xasiliyo.

Turkigu wuxuu taageeraa mucaaradka madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad, sannadkii horena waxay taageereen duullaan ay fallaagadu ku qaadeen kooxda la magac baxday dawladda islaamiga ama IS, meel u dhow xudduudda, dhinaca magaalada Xalab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Raโ€™iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo...