Qorshihii dhismaha 10,000 kun guryo ee Turkigu balanqaady oo meel fiican maraya

Date:

Ankara(SONNA) Mudane Saadiq C/llaahi Cabdi  Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhismayaasha guryihii dawladda Turkigu balan qaaday inay Muqdisho ka hirgalinayso qorshahoodu marayo
meel fiican.

Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiskaSoomaaliya   oo ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga Isagoo kala hadlay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa xagga dhib u dhiska Dalka.

Saadiq Cabdulahi Cabdi wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska ayaa sheegay in dawladda Turkiga iyo hay’adaha shacabka Turkigu ay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u
kabashada dalka.

Inta uu ku sugan yahay Dalka Turkiga waxaa uu Wasiirku sidoo kale la kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan hay’adaha Soomaaliya taageera ee Turkiga laga leeyahay iyo mas’uuliyiinta Dowladda,kuwaasi oo kala hadlayo sidii Wasiiraddiisa looga gacan siin lahaa gudashada Waajibaadka ka saaran dib u dhiska Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo kamid ah wadamada ugu horeeya oo taageerada la garabtaan Soomaaliya ayaa horey u balan qaaday in ay Muqdisho ka dhisi doonto ilaa 10,000kun oo guryo ah kuwaasi oo loogu talagalay shaqaalaha Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...