Madaxweyne Farmaajo “Waxaan idin ka filaynaa in aad nagala shaqaysaan in aan alshabaab ka tir tirno guud ahaan dalka.”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku maraya qaar ka mid ah wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa Magaalada Jabuuti waxa uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sida labada dal ay isaga kaashan lahaayeen amniga, iyagoona isla qaatay in la dardar geliyo howlgallo lagu dabargoynayo kooxda alshabaab ee dhibaatada ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Geelle kaalinta uu ka geysto nabadeynta iyo dib u kabashada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay mar walba u garab taaganyihiin.

Madaxweynaha waxa uu si gaar ah u xusay gurmadkii caafimaadka degdega ahaa ee Jabuuti ay u fidisay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobe.

“Jabuuti waxa ay noo tahay hiil aan isku hallayn karno. Wakhtiyadii adkaa sida aad noo garab istaagteen waa idiin ogsoonnahay. Soomaaliya maanta cadawga kaliya ee ay leedahay waa alshabaab, Sidaas darteed waxa aan idin ka filanynaa in aad nagala shaqaysaan in aan cadawgaas aan ka tir tirno guud ahaan dalka.”

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalkiisu uu garab ku siinaayo Soomaaliya tallaabo kasta oo u horseedaysa xasillooni waarta iyo amni buuxa.

“Dhabtii waa noo muuqataa dhibaatada argagixisada alshabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Qof waliba waa arkay khasaarihii ka dhashay qarixii Soobe, waxaanse idiin caddaynayaa in aanan idin ku fiirsanayn cadawgaas. Mar kasta Jabuuti waxa ay idinla garab taagantahay hiil iyo hoo.”

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maalinimada berri ah waxa uu soo gabagabaynaaya safarro shaqo oo qaatay mudo 3 cisho ah kuwaas oo uu ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti.

-DHAMMAAD-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odaawa Yuusuf...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey...