Wasaaradda Caafimaadka oo deeq dawo ah gaarsiiyay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho

Date:

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Isbitaalada Muqdisho qaarkood gaarsiiyay deeq dawo ah, taasi oo ka qeyb  qaadaneysa habsami u socodka howlaha caafimaadka ee Isbitaalada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdullaahi Xaashi ayaa sheegay Afar kun saddex boqol iyo shan kartoon ay tahay dawooyinka dowladda la soo gaarsiiyay, kuwaasi oo qeyb ka mid ah maanta lagu wareejiyay maamulada Isbitaalada Keysaney, Deyniile, Benaadir iyo kuwa kale, si loogu adeego bukaanada isbitaaladaasi jiifa.

“Guud ahaan waxaa noo timid 4,305 (afar kun saddex boqol iyo shan ) kartoon oo daawo ah kuwaas oo ka kala yimid Kenya, Jabuuti, Ethiopia, Qatar, US Aid, UN SOS, Puntland, Save the children, WHO iyo Zam Zam foundation” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadaal ugu jirta sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha ay qabaan Isbitaalada magaalada Muqdisho, kaddib markii howlo wadeenno ka tirsan Wasaaraddu ay qiimeeyn ku soo sameeyeen qaar ka mid ah Isbitaalada magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay...

Natiijada doorashadii golaha deegaanka gobolka Banaadir oo maanta lagu dhawaaqayo

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta ku dhawaaqi doona natiijada...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- After more than half a century, the Somali...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka...