Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshey xubno ka socoday Qurba Joogta+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kulan qado sharaf ah la yeeshey xubno ka socoda Qurba Joogta Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Ujeeddada kulanka ayaa waxay aheyd sidii Qurba Joogta Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya,iyagoo Madaxweynaha Soomaaliya uga xog warramay xaaladaha kala duwan oo ay ku sugan yihiin Soomaalida Qurbaha kunool.

Dhageysiga argtida Qurba joogta kadib ayuu dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo horumarada ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in ay jiraan fursado u banaan dadka Qurbaha kunool ee Soomaaliyeed taasi oo ah in ay dowrkooda wadaniyadeed ay ka qaataan sidii maalgashi ugu sameysan lahaayeen Dalkooda.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay horey u socoto, dowladduna dadaal ugu jirto sidii Dalka horumar loo gaarsiin lahaa,Qurba joogtana looga baahanyahay in doorkooda ay muujiyaan, isla markaana waaya aragnimadoda iyo aqoontooda ay dalka ku soo celiyaan.

Sanadihii ugu dambeeyey waxuu dalka  ka soo kabsanayay burburkii dhoor iyo labatankii sane ee la soo dhaafay ka jiray, waxaa hada muuqanaysay in qurba joogta Soomaaliyeed ay kaalintoodi ka qaadanayeen sidii dalka loo maalgelin lahaa,iyagoo ku lug leh mashaariic horumarineed oo ka socota guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...