Qaar kamid ah guddiyada Golaha Shacabka oo kulmay

Date:

Muqdisho(SONNA) Guddiyadaan oo kala ah:-Guddiga Warfaafinta, Guddiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga,Guddiga Wadooyinka Dekkadaha, Garoomada iyo Guddiga Garsoorka ayaa Maanta yeeshay kulan howleedkooda.

Guddiga Warfaafinta, Wacyi-galinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaadhsiinta ayaa kulankooda uu Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xil Khalid Macow Abdulkadir ayaa  ku saabsanaa falanqaynta wax kabadalka hindise Sharciyeedka Saxaafada oo uu dhawaan Golaha shacabka horkeenay wasiirka wasaarada Warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ajandahoodu ahaa sii ambaqaadida howlaha Guddiga iyo dhagaysiga Warbixinta Guddi hoosaadka warshadaha iyadoo uu shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xil Maxamuud Abdiraxmaan Beenebene.

Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha shacabka ayaa iyana kulankooda uga dooday Hindise sharciyeedka la dagaalanka Musuqmaasuqa oo uu maalmihii lasoo dhaafay guddiga ka doodayay Shir-guddoomiyaha kulanka ayaa ahaa Guddoomiyaah Guddiga Sharif Sheekh Maye.

Guddiga Wadooyinka Dekkadaha, Garoomada, Tamarta iyo Gaadiidka ayaa kulankooda waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir ajandaha kulanka ayaa ahaa kala xog qaadasho iyo kala habeynta howlaha Guddiga horyaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...