Wasiir ku xigeenka Difaaca XFS oo sheegay in la xoojinayo dhismaha ciidamada Qaranka

Date:

Hiiraan (SONNA) Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/laahi Colaad Rooble iyo wafdi uu hogaaminayeyoo maalmaaanba ku sugnaa gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladdu ay wado qorshe balaaran oo lagu xoojinayo dhismaha ciidamada Qaranka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kormeeray xarumaha ciidamada amaanka ay ku leeyihiin magaalooyinka Buuleburde iyo Maxaas oo katirsan gobolka Hiiraan, waxeyna la kulmen saraakiisha hogaamineysa ciidanka.

Wasiir C.laahi Colaad Rooble ayaa xusay in dhismaha ciidanka oo la xoojiyaa ay sahleyso in ciidanka ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda, kana hortagaan Cadowga.

Masuuliyiinta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhawaanahaan waday howlo lagu dar dar galinayo dhismaha ciidamada Qaranka, iyaga oo socdaalo ku tagay gobolo dhowr ah oo dalka kamid ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...