Turkiga oo hub culus geeyey xadka uu la wadaago Suuriya

Date:

Ciidamo ay taageerayaan dowladda Turkiga ayaa sii kordhiyey duullaan ay ku qaadeen kooxaha jihaad-doonka ah ee magaaladda Idlib haysta.

Waxuuna u muuqdaa weerarkani mid lagu burburinayo kooxda Taxrir Al Salam.

Ciidamada Turkiga ayaa maalmahanba xuduuda ay Suuriya la leeyihiin waxay ka wadeen diyaargarow.

Waxaana jirra warar aanan la hubin oo sheegaya in ciidanka Turkiga ay weerarkan ka qayb qaadanayaan.

Balse weerarkan hadda socda waxaa wada ciidamo uu Turkiga barigantaalayo.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in ay bilaabayaan howgal lagu sugayo amaanka dalkiisa.

Magaaladda Idlib ee dalka Suuriya ku taala ayaa ilaa sanadkii 2015-kii waxaa haystay kooxaha mucaaradka.

Waxayna magaaladda Idlib u ahayd kooxaha mucaaradka meel ay mar walba iska soo abaabulaan.

Ruush iyo Turkiga ayaa hadda heshiis ku ah howgalada magaaladda Idlib lagu qaadayo.

Waxaana Ruushku uu maalmihii u dambeeyey ka waday halkaasi duqayn xaga cirka ah.

Waxay hadda u muuqataa in magaaladda Idlib ay noqonayso goob dagaal oo lagu dagaalamo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...