Mareykan oo hub casri ah ka iibinaya Sucuudiga

Date:

(SONNA)- Xukuumada Mareykanka ayaa ogolaatay in Boqortooyada Sacuudi Careebiya  laga iibiyo Gantaalada loo yaqaano THAAD  oo ay ku bixin doonta lacag gaaraysa 15 bilyan oo Doollar,kaasoo loogu tala galay in ay ku xoojiso awoodda difaaca dalkeeda.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka  oo warkan shaacisay waxay kale oo sheegtay in Gantaaladan  ay xoojin doonaan ammaanka Sacuudiga iyo dalalka kale ee gacanka xilli ay sii kordhayso khatarta uga imanaaysa dibadda.

Gantaaladan loo yaqaano Thaad ayaa Mareykanka waxa ay horey u geeyeen Kuuriyada Koonfureed si ay isaga difaacaan haddi Kuuriyada Waqooyi ay weerar soo qaado.

Waxa ay Gantaalada Thaad ay awood u leeyihiin in ay soo ridaan gantaalada riddada dhexe iyo kuwa Riddada dheer.,Waxa ay ka hortagi karaan gantaalada ku socda xawaaraha dheer, wuxuuna gaari karaa 2000 km.

Wuxay kaloo Gantaalada uu Mareykanku ka  iibinayo Sacuudiga ay ka  sameysan yihiiin qalb Raadaar ah oo horumarsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aaddan fududeynta adeegga Kaarka Aqoonsiga oo Muqdisho lagu qabtay

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo...

Duqeyn ka dhacday Shabeelaha hoose oo Khawaarijta lagu laayey

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda FS ayaa...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xariga ka Jaray Xaruunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo si heer sare ah loo dhisay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha oo si rasmi ah u xarig jaraya dib u howlgelinta xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan...