Suudaan oo soo dhaweysay cunaqabateyntii uu ka qaaday Mareykanka

Date:

Khartoum (SONNA) Dowladda Suudaan ayaa soo dhaweysay cunaqabateyntii dhinaca dhaqaalaha ee laga qaaday, taasi oo saarneyn muddo 20-sano ah.

Suudaan ayaa sheegtay in arintaani ay tahay talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka horumarka, waxeyna intaasi raacisay in lagu soo beegay xili munaasib ah.

Talaabadan ayey Suudaan sheegtay in ay kaalin weyn ka qaadaneyso horumar iyo koboc uu sameeyo dhaqaalaha Suudaan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan.

“Tani waxey keeneysaa in dib uu usoo noqdo xiriirka nidaamka Banki ee Suudaan ay la leedahay Bankiyada caalamka” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Suudaan.

War Maraykanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay horumar ka samaysay xuquuqul insaanka.

Dalka Suudaan waxaa saarnaa cunaqabatayn ganacsi iyo xayiraado kaleba. Geedisocodka Suudaan xayiraada looga qaaday waxaa bilaabay madaxweynihii Barack Obama.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...