Shabaab oo dad shacab ah ku dilay Jubbada Hoose

Date:

Kismaayo(SONNA) Maleeshiyada Alshabaab ayaa lagu soo warramaya in dad shacab ah ay ku dileen deegaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose,xili ay ku guda jireen raadinta nolol maalmeedkoodi.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Yaaqbuul oo hoostaga Jasiiradda Kudhaa ee Gobolkaasi ayaa sheegay in Alshabaab ay halkaasi ku dileen 2 qof oo kamid ah dadka ka xamaasha jarista dhirta Dhuxusha laga sameeyo.

Dadka Deegaanka ayaa SONNA u sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay soo weerareen,islamarkaana ay dileen 2 qof oo ku howlanaa dhir jarista.

“Walaal waxaa halka soo weeraray Alshabaab 2 qof ayay dileen, qof wuxuu ahaa nin halkaasi ganacsi ku lahaa iyo kan kalana wuxuu ahaa shaqaale marka goobtaasi ayay ku dileen,waxay diidayaan in xogtoodi la helo kadib la duqeeyo iyo in dhirta ayku dhuumaalaysanayaan dhamaato,meeshu waa meel duur ah, iyaga ma ogola dadka kale in ay noloshooda maareeyaan,taasi way ka soo horjeedaan”, Sidaasina waxaa SONNA u sheegay qaar kamid ah dadkii la kulmay dhibaatooyinka SHabaab.

Falalka ayaa inta badan ka dhacay deegaanada ay ku dhuumaalaysanayaan Maleeshiyada Shabaab,iyagoo taasi ay uga hortagayaan in la helo macluumaad ku saabsan keymaha ay ku jiraan,waxaana taasi ay ku dareen siinaysa cabsida ay ka qabaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xulufada Saaxiibada la ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha...

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan...