Shabaab oo dad shacab ah ku dilay Jubbada Hoose

Date:

Kismaayo(SONNA) Maleeshiyada Alshabaab ayaa lagu soo warramaya in dad shacab ah ay ku dileen deegaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose,xili ay ku guda jireen raadinta nolol maalmeedkoodi.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Yaaqbuul oo hoostaga Jasiiradda Kudhaa ee Gobolkaasi ayaa sheegay in Alshabaab ay halkaasi ku dileen 2 qof oo kamid ah dadka ka xamaasha jarista dhirta Dhuxusha laga sameeyo.

Dadka Deegaanka ayaa SONNA u sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay soo weerareen,islamarkaana ay dileen 2 qof oo ku howlanaa dhir jarista.

“Walaal waxaa halka soo weeraray Alshabaab 2 qof ayay dileen, qof wuxuu ahaa nin halkaasi ganacsi ku lahaa iyo kan kalana wuxuu ahaa shaqaale marka goobtaasi ayay ku dileen,waxay diidayaan in xogtoodi la helo kadib la duqeeyo iyo in dhirta ayku dhuumaalaysanayaan dhamaato,meeshu waa meel duur ah, iyaga ma ogola dadka kale in ay noloshooda maareeyaan,taasi way ka soo horjeedaan”, Sidaasina waxaa SONNA u sheegay qaar kamid ah dadkii la kulmay dhibaatooyinka SHabaab.

Falalka ayaa inta badan ka dhacay deegaanada ay ku dhuumaalaysanayaan Maleeshiyada Shabaab,iyagoo taasi ay uga hortagayaan in la helo macluumaad ku saabsan keymaha ay ku jiraan,waxaana taasi ay ku dareen siinaysa cabsida ay ka qabaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xulufada Saaxiibada la ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...