Gantaalkii ugu dambeyeey oo ridda dheer oo ay tijaabinayso Pyonyang

Date:

Muqdisho(SONNA) Xukuumadda Pyongyang ayaa laga cabsi qabaa in dhawaan ay tijaabiso Gantaalkii ugu dambeeyey,sida ay sheegayaan Dowladda Mareykanka iyo khubarro kale oo caalami ah,iskuna raacay in ay u badan-tahay in Waqooyiga Kuuriya ay maalmaha fooda inagu soo haya ay tijaabin doonto gantaalkeedii ugu dambeeyay ee ah kuwa riddada dheer,taasi oo walwal laga qabo.

Dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa waxaa la filayaa in 10-ka Bisha October ee soo socota laga xuso, sannad guuradi 72-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay Xisbiga Shaqaalaha ee dalkaasi.

Isla 9-ka bisha October ayaa Sidoo kale ku beegan marki ugu horreysay ee ay Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaalada ridada dheer, sanadki 2009.

Sarkaal sare oo katirsan CIA-da Mareykanka oo lagu magacaabo Sue Mi Terry ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay mar walba tijaabiso gantaalo, xilliyada dalkaasi ay ka jiraan dabaaldagyada qaran.

Donald Jey Trump ayaa madaxweynaha Mareyakanka ayaa  dhawaan u bixiyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi naaneysta ah (Ninka Gantaalka),taasi oo ku dareensiinaysa walaac ay Pyongyonga ay gelisay caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...