Ismari waa ka dhextaagan Britain iyo Midowga Yurub

Date:

Muqdisho(SONNA) Xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maanta gelinka dambe waxa ay magaalada Strasbourg ugu codayn doonaan mooshin liddi ku ah qaabka ay UK u waddo wadaxaajoodka ay uga baxayso Midowga Yurub.
Sidoo kale Madaxweynaha Golaha Yurub, Jean-Claude Juncker, iyo gudoomiyahiisa wadaxaajoodka, Michel Barnier, ayaa xubnaha xog ka siin doona horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray wadahallada.
Mooshinkan horyaal baarlamaanka Midowga Yurub ayaa waxa uu ka kooban yahay liis dheer oo ay ku qoran yihiin dhaleecayn ku aaddan mowqifka Britain ee ku aaddan waxyaabaha ay ka midka yihiin xuquuqda la siinayo muwaadiniinta Midowga Yurub ee ku sii nagaanaya UK, iyo habdhaqanka dowladda ee arrimaha dhaqaalaha, taas oo curyaamisay hannaanka Britain ay uga baxayso Midowga Yurub, sida lagu sheegay qaraar qabya ah.
Mooshinku waxa uu ugu baaqayaa UK in xilligan kala guurka ah ay ku toosnaato shuruucda Midowga Yurub looga baxo.
Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa la waydiisan doonaa inay dib u dhigaan go’aankooda ku aaddan in la furo wadahallada dhanka ganacsiga iyo xiriirka mustaqbalka, illaa laga gaaro heshiis weyn.
Afhayeen u hadlay waaxda ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa sheegay in la diyaariyay qoraalka mooshinka ka hor inta aanan la soo gebagabayn wareeggii ugu dambeeya ee wadahallada.
Codeynta maanta ayaa waxa ay fursad u tahay inay dajiso xiisadda siyaasadeed, hasayeeshee xal buuxo ma keenayso, sababtoo ah xildhibaanada Midowga Yurub oo kaliya ayaa gaari kara go’aanka ugu dambeeya ee heshiiska Britain ay uga baxayso Midowga Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo Afgooye ka furay tababar howl-wadeennada doorashooyinka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee arrimaha gargaarka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xasan Maxamed...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay Mudug oo lagu qabtay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo lagu...