50 ruux oo lagu toogtay dalka Mareykanka

Date:

Las Vegas-(SONNA) 50 ruux ayaa  ku dhimatay , 200 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ooda uga qaaday Hoteel ay ku Cawaynayeen dad fara badan oo ku yaal magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.

Halkaan oo ahayd Hool Dusha ka furan oo ka tirsan Hoteelka Mandalay Bay oo ah goob loo dalxiis tago. ayaa waxaa ka socday Masraxiyad Faneed.

Ninka hubeysan oo lagu magacaabayay Stephen Paddock oo 64 jir ahaa ayaa rasaas ka soo riday dabaqa 32aad, halkaasoo ay ku yaallay masraxa weyn ayna ku sugnaayeen kumanaan ruux oo ka qeyb galay Xaflad Muusik.

Booliska ayaa aqoonsaday ninka la tuhunsanaa, oo ka mid ahaa dadka deegaanka, waxaana toogtay ciidamada.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Donald Trump horaantii bishii January.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...