Wafdi ka socda Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka-Sawirro

Date:

Minnesota (SONNA) Munaasabad Ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ayaa lagu soo dhaweeyey Wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhinaano katirsan Dowlada Goboleedka Jubbaland iyo ganasacsato Soomaaliyeed kuwaasi oo dhawaan gaaray dalka Mareykanka, iyadoo ay ka qeybgashay xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto magaalada Minneapolis .

Wafdigan oo uu hogaaminayay Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Cusmaan xuseen Xaaji Faynuus ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo maalgashiga Dalkooda Hooyo,gaar ahaan Deegaanada Jubbaland oo ay matalaan,waxaaan ay jaalliyadda uga warameen horumarada deegaanada Jubbaland ka socoda iyo baahiyaha ay u qabaan in lagarab istaago.

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Cusmaan Xuseen Xaaji Faynuus ayaa ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda Jubbaland in ay ka qeyb qaataan dhaqaale loo uruurinayo mashaariic horumarineed oo deegaandaasi laga hirgelinayo.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo hadal ka jeedisay munaasabadda ayaa sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ee kunool Mareykanka looga baahanyahay in ay doorkooda ka qaataan horumarinta dalka iyaduna ay lacago ugu yaboohday mashruucaasi dib u dhiska ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...