Hay’adaha Amniga Canada oo Muwaadin Soomaaliyeed u xirey fal Argagixiso la xiriira

Date:

Canada(SONNA)Muwaadin Soomaali ah oo Qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa loo soo xiray weeraradii ka dhacay magaalada Edmonton, ee gobolka Alberta, halkaasi oo shan qof lagu dhaawacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

30 sano jirkaan oo aanan magaciisa la shaacin ayaa looga shakisan yahay inuu tooriyeeyay nin booliis ah uuna maalintii Sabtida dhaawacay afar qof oo kale oo marayay wadada hareeraheeda.

Askariga booliiska ah ee la dhaawacay ayaa xakameynayay zaxmada gawaarida galeysay ama kasoo baxeysay garoon lagu dheelayay ciyaar ka mid ah tartanka kubadda cagta ee Canada, markii lagu dhuftay gaari xawaare sare ku socday kaddibna lagu weeraray mindi.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku tilmaamay ‘weerar argagixiso’.

Saraakiisha magaalada Edmonton ayaa sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu wajihi doono eedo argagixiso iyo kuwa dil,iyadoo Saraakiishu ay xaqiijiyeen in ninkan ay booliisku garanayeen.

Askarigan iyo gaarigiisa ayaa waxaa lagu dhuftay gaari yaalay banaanka hore ee garoonka lagu ciyaaro kubadda cagta ee Alberta Sabtidii,Kaddibna waxa uu darawalku dhowr mar tooriyeeyay askariga, ka hore intii uusan baxsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...