Howlgal Hub, Maandooriye iyo dad lagu qab qabtay oo laga sameeyey Muqdisho”Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo xalay ilaa iyo maanta ay ka sameynayeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen Hub, Rasaas, Maandooriyeyaal iyo dad lagu eedeeyey in waxyaabahaasi ay gacanta kula jireen.

Wariyaheena Cali Axmed Sheekh oo goobta jooga ayaa soo sheegaya in dadka la qabtay ay gaarayaan ilaa iyo sadex ruux, islamarkaana hubka lahayo ay kamid yihiin Bastoolado iyo Rasaas.

Howlgalka oo laga sameeyey xaafadaha degmada Dharkeynley ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Saraakiil katirsan Booliska Soomaaliya iyo masuuliyiinta wasaaradda Amniga oo goobta gaaray ayaa sheegay in dadkaan la qabtay sharciga la hor geynayo islamarkaana wixii ay muteystaan lagu xukumi doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...