Haween Naafo ah oo la baray xirfado ay ku shaqeystaan magaalada Gaalkacyo

Date:

 Gaalkacyo (SONNA) Tababarkaan oo ahaa mid xirfado dhanka shaqada la xiriirta, isla markaana si lacag la aan ah loogu barayay muddo lix bilood qaar ka mida haweenka Naafada ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa loo soo gaba gabeeyay ilaa labaatan haween ah oo naafo ah, kuwaasi oo la baray tolidda dharka iyo cilaan saarka.

Tababarkaan oo ay fulintiisa iska kaashanayeen ururka GOWDA oo ah urur ka shaqeeyay ilaalinta xuqquqda haweenka iyo carruurta Naafada ee Galmudug iyo hay’ad lagu magacaabo Abiilis ayaa waxaa xiritaankiisii ka qeyb galay masuliyiin ka tirsan Galmudug iyo xubno ka socday ururada Haweenka iyo naafada ee Gobalka Mudug

Ugu horeyna waxaa munaasabada ka hadlay Waris Cabdullaahi Shirwac iyo Nuur Cabdi Aadan oo ku hadlayay magaca Ururka iyo Hay adda iska kaashaday ayaa waxa ay tilmaameen inay tahay markii u horeysay ay qabtaan tababbar ceenkan ah oo xirfado shaqo la baro haween Naafo ah, taas oo qeyb ka ah qorshaha dhiiri gelinta Dadka aan lixaadkoodu dhameyn.

Sidoo kale munaasabada ayaa intii ay socatay waxaa ka hadlay xubno ka socday ururada haweenka iyo Naafada Gobalka Mudug, kuwaasi oo dhamaantood uga mahadceliyay ciddii isku howshay in markii ugu horeysay Gobalka Mudug xirfado shaqo la baro dad naafo ah.

Duqa Degmada Galkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo soo xiray tababarka ayaa xusay in ka maamul ahaan ay kaalintooda ka qaadan doonaan dhiiri gelinta naafada ku nool magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...