Waxaa xaqiiqi ah in Marxalad ama xaalad kasta oo aadaanuhu ku soo biiro dunidaan uu xambaarsan yahay ama huwan yahay waajibaad Qaran oo Β la xiriira ilaalinta Dalka,daryeelkaΒ Bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineedΒ iyo dhismahaΒ goobaha laga fuliyo adeegyada Umadda .
Ma jiro qof ama koox leh nidaam Β dhameystiran,isla markaanaΒ Β ifka yimid iyadoo aysan la socon masβuuliyad Β nolosha ka saacida sidii ay uga bixi laheyd turunturooyinka iyo aafooyinka kale ee kuΒ xeeran dunida.
Inkastoo dadka Somaaliyeed ay ku soo caanamaaleen Β mashruuc la magac baxay iskaa wax u qabso, oo la micno ah dhiso Dalkaada,hadana waxaa xilligaan muuqda baahi weyn oo loo qabo in mar kale UmaddaΒ ay u istaagaanΒ dhismaha dalka ee ku burburay gacanta Bulshada.
Dowladda uu hogaamiyo Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo Β iyo Madaxda Β kale ee gobolka Banaadir ayaa cod-dheer iyo mid gaabanma ku baahiyay ahmiyadda Dalkaada dhiso ay u leedahay horumarkaΒ iyo sida ay lama huraanka u tahay in qof kasta uu ka qeybgalo dadaalka loogu jiro dayactirka waddooyinka iyo guud ahaanba hagaajinta adeegyada Bulshada.
Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayo Mudane Taabid,isla markaana kaashanaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa illaa hadda ku guuleystay ka miro dhalimta barnaamijyada gundhigga u ah dhiso Dalkaada ,waxaana mashruucyoΒ ay ugu horeeyaan dayactirka waddooyinka Iyo dhismaha Xarumaha ay ka socdaan Β Magaaalada Muqdisho,iyagoo xilligaanna ay barbar socdaan soo celinta bilicda Caasimadda Β oo la tilmaamay in ay ku baxayaan lacago fara badan.
Dad aad u farabadan ayaa ka qeybgalay dhismaha iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdsuho ,kadib kolkii ay bixiyeen lacago taakuleyn ah oo loogu magac daray dhiso dalkaada,waxaana sidoo kale dadaaladaasi lagu soo celinayo bilicda waddooyinka ka qeyb qaatay qaar ka mid ah guddoomioyaasha \Degmooyinka Gobolka.
Waxaa lagu guuleystay Β dayactirka waddooyin badan oo laf dhabar u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka sida jidka Β Wadnaha,Maka al0mukarama ,tan Dekeddda ,Buundooyinka iyo kuwo kale halka ay imminka socdaan hagaajinta wadada 30-ka iyo tan Jeneraal daa;uud,iyadoo mudada dhow la filayo in loo jeesto jidka warshadaha,suuqa xoolaha iyo kuwo kale.
Dhiso dalkaada oo ah BarnaamijΒ muddooyinkaan ka socda Caasimadda dalka iyo deegaanno kale ee dalka ,waxa uu soo jiitay indhaha dad badan oo rug caddaa ah oo u soo joogay xilliyadii beri-smaadkaΒ ee loo dhaqaaqay iskaa wax u qabso oo la micno ah dhiso dalkaada.
Bulsh wetnta Soomaaliyeed waa in Β ay u istaagaa howlaha samofal ee lagu ururinaayoΒ lacagaha loogu talagalay dayactirka waddooyinka, dhismahaΒ xarumaha Dowladda iyo hagaajinta Β goobaha laga fuliyo adeegyada Umadda,maadaama Β Β dowladda soomaaliya ay tahay mid curdun ah oo u baahan in wax lala qabto.
Dadaalka lagu bixinayoΒ Β dhismaha dalka,gaar ahaan kan lagu dayactirayo waddooyinka iyo xarumaha Dowladda ee burbursan,waaΒ tallaabo Β u muuqataa in ay weli jiraan BulshoΒ muwaadiniin ah ooΒ doonaya ka qeygalkaΒ howlaha lagu soo celinaayoΒ bilicda Caasimadda iyo guud ahaan horumarka Dalka.
Horumarka dhahbtaΒ ah ee Dal waxaa uu imaan karaa marka la helo bulsho mideysan oo ka fog qabiilka isla markaana maskaxda ku haya in dhibaato kasta looga bixi karo wadajir,waxaanaΒ lagama maarmaan ah in bulshada wanaagsan ay u howgalaan sidii looga dhabeyn lahaa barnaamijyada la magac baxay dhiso dalkaada iyadoo laga duulaayo burburka ka muuqda Caasimaddda Magaalada MuqdishoΒ iyo deegaanada kale ee dalka.
Dad waxay wax qabsan karaan marka ay mideeyaaan xoogga iyo wadajirkooda,maankana ay galiyaan in cid shisheeye aysan buuxun Karin kaalinta qof kasta kaga aadan dhismaha dalka iyo soo celinta adeegyada umadda,waxaana hubaal ah in haddii Qof kasta uu bixiyo Hal Doolar ay Β imaan karaan Β lacago mug leh oo qeyb ka noqdaΒ soo celinta bilicda waddooyinkaΒ iyo dhismaha xarumaha Dowladda.
Ugu dambeyntii Dowladdu waa in ay la timadaaΒ kalsooni ay dadkeedu ku qabi karaanΒ in waxa loo qabanaayo ay yihiin kuwo u dhacayaΒ sidii loogu talagalay,waana in mar kasta Xukuumaddu ay horsed ka noqoto dhiirigelinata barnaamijyada samofal ee lagu uruurinaayo lacagaha qaaraanka ah ee gacan ka geysan kara soo celinta kaabayaasha dhaqaale iyo kuwa Bulshada.
Waxaa qallinka u qaatay Shire Xasan Kulmiye
