Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

Date:

Muqdsho(SONNA) Mudane  Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Turkiga oo isaga iyo wefdi uu hogaaminayo uu maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka kala tirsan Militariga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa madaxweynuhu wuxuu kala hadlay Taliyaha kaalinta Dowladda Turkiga ee kaga aadan taageerada Soomaaliya,gaar ahaan dib u dhiska Ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga  ka guddoomay fariin uu uga siday madaxwyene Erdogan,taasi oo uu ku ammaanay hoggaaminta wanaagsan ee madaxda Soomaaliya.

“Waxaan uga mahad naqaynaa Walalaha Turkiga isgarab istaaga  iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya,Taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya waa mid la isku halayn karo, oo dhabta ku salaysan,waxaan ka codsanaynaa Dowladda Turkiga in ay ballaariso caawinaadeed Soomaaliya,gaar ahaan dhismaha Ciidamo Qaran,waxaa jirta baahiyo loo qabo tababaro iyo qalabayn ay helaan Ciidamada Qaranka”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Taliyaha Guud ee  Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in ay ka go’antahay Dowladda Turkiga sidii ay uga dhabayn lahayd garab istaaga Soomaaliya,wuxuuna tusaale u soo qaatay dhismaha xarunta tababarada oo Muqdisho laga ay ka hirgeliyeen,taasi oo uu ku sheegay in ay qeyb ka tahay dhismaha Ciidanka Soomaaliya,wixii kale oo dheeraad ah looga baahadana ay diyaar la yihiin.

Wuxuu intaasi ku daray taliyaha in amarka lagu taageerayo dhismaha iyo qalabaynta ciidanka Qaranka Soomaaliya ay tahay mid ka soo baxay madaxwyenaha Dalka Turkiga Mr Erdogan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qadeen Wargaadhi.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay...

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...