Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo dib u eegis ku sameyneysa sharciga socdaalka

Date:

Muqdisho(SONNA) Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka qeyb-galay barnaamijka kulanka Toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka ayaa sharraxaad ka bixiyey shaciga socdaalka Soomaaliya oo dhowaan wadatashiyo arrimahaas ku aaddan laga bilaabay Muqdisho, waxa uu sheegay in wadatashiyadaas la gaarsiinayo gobolada dalka.

Dhinaca kale Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa tilmaamay in hey’addu ay hirgelisay xafiisyada Jubbooyinka iyo Gedo oo ilaalinta doona dhinac Xuduudaha, iyagoo kaashanaya Hey’adaha amniga dalka.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka ayaa soo  hadal qaadey horumarka Baasaboorka Soomaaliga ah, waxa uu carrabka ku adkeeyey in caalamka oo dhan uu ka shaqeeyo, hasa ahaatee loo baahan yahay in Soomaaliya ay wadamo adduunka la gasho heshiisyo socdaal, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu fududaato dalka ku galka ama VIISA-ha.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala hadleen arrimaha Socdaalka, welina ay wada hadallo u socdaan, xayiraadda Mareykanka toddobada dal uu ku soo rogayna aysan la xiriirin Baasaboorka ee ay tahay arrimaha Socdaalka dedaalkeeduna ay wadaan.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka hadlay waxa ay hey’addu hiigsaneyso mustaqbalka dhow.

“Waxaan rabnaa inaan gaarno hey’adda oo xaqiijisay, diiwaangelisay dhammaan ajaanibta dalka joogta ama martida ah, hey’adda oo xogta xuduudaha ku filan, hirgelisayna dhammaan xafiisyada muhiimka u ah, waxaan ku rajo weynnahay inaan galno heshiisyada socdaalka dalalka caalamka oo dhan iyo Soomaaliya oo ka mid noqotay hey’aaha socdaalka caalamka kuwa ugu horreeya ama ugu wanaagsan” ayuu yiri Mr. Koofi

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...