Musharaxiin Soomaali ah oo u tartamaya doorashada Golaha deegaanka ee Xaafadda Soomaalida ay degto ee Minneapolis +Sawiro

Date:

Mareykanka(SONNA) Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minesota ayaa waxaa ka soconaya ololaha doorashooyinka Golaha deegaanka iyo tan degmada,iyadoo musharixiinta ay qeyb ka yihiin ilaa 3-musharax oo matalaya Soomaalida kunool magaaladaasi.

Musharaxiinta ku tartamaya Duqa Golaha deegaanka ee xaafadda Soomaalida ay degto ee loo yaqaano Word six ayaa kala ah MAxamuud Nuur iyo Cabdi Warsame oo ka socda Xisbiga Dimoqraadiga iyo Faadumo oo iyana ka socota Republicanka.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Minneapolis Duqa Degmadaasi Haweeneyda lagu magacaabo  Betsy Hoeges  oo markale u taagan in dib loo doorto iyo Maxamuud Nuur oo Golaha Deegaanka u tartamaya ayaa si wada jir ah uga codsaday bulshada Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kale in codkoodi ay ku taageeraan.

“Walaal shirka maanta wuxuu ahaa taageero aan u muujinayno Duqa magaalada  oo ah qof aaad u wanaagsan oo si weyn wax uga qabtay Soomaalida,wadashaqeyn ayaa kala dhexeysa Soomaalida,waxay ahayd in aan istaageerno wada shaqeynta, sababta waxaa weeye waxy maamushaa dhaqaalaha horumarinta, go’aanka iyada ayaa iska leh wixii ay latimaada ayaa lagu ansixiyaa Golaha Deegaanka”, Ayuu yiri Maxamuud Nuur.

Sidoo kale Duqa magaalada Minneapolis ayaa  Betsy Hoeges ugu baaqday Soomaalida in ay codkooda siiyaan Maxamuud Nuur oo ka mid ah raga ugu cad cad qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Deegaanka,iyadoo balanqaaday in ay waxbadan ka qaban doonto horumarinta nolosha Soomaalida.

Dadweyne aad u farabadan ayaa isugu soo  barxad weyn oo ku taala magaalada Minneapolis,kuwaasi oo taageero u muujinayay musharixiinta Soomaaliyeed ee u taagan xilka Golaha deegaanka iyo Duqa Degmada,iyadoo ay soconayaan ololihii doorashooyinka.

Ilaa bisha November ayaa waxaa la filayaa in ay gaarto doorashada Golaha deegaanka Xaafadda ay Soomaalida degto dad gaaraya ilaaa 1,500 Qof ayaa ka qeyb qaadanayaa doorashadaasi.

Liiban Xuseen Minneapolis 

Liban Husesein

Warbaahinta Qaranka

Minneapolis

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...