Muqdisho (SONNA) Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta kula kulmay qasriga cas ee Magaalada jiddah Agaasimaha guud ee maamulka Horumarinta sanduuqa sacuudiga fowzi calyaan al-sucuud, iyagoo diiradda saaray arrimo badan oo labada dhinac quseeya.
Waxaa kulanka lagu soo qaaday intii uu socday sidii wax looga qaban lahaa islamarkaana loo taageeri lahaa horumarinta mashaariicda la xiriira arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya .
Kulanka waxaa goobjoog ahaa safiirka soomaaliya u fadhiya boqortooyada Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle iyo Agaasimaha dhanka mashaariicda ee sanduuqa Horumarinta Sacuudiga Eng Bandar al-baazici.