Kulan dhalinyaradda looga wacyi galinayo Tahriibka oo Garoowe lagu qabtay “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Wasaaradda waxbarashada iyo taclinta Dowlad goboleedka Puntland, ayaa Magaaladda Garoowe ku  qabatay barnaamij dhalinyarada looga wacyi galinayo halista tahriibka, waxaana barnaamijkan lagu soo bandhigay Riwaayad iyo maansooyin ka turjumayay dhibaaatada Tahriibka laga dhaxlo iyo sida uu weli saameyn xoogan ugu leeyahay dhalinyarada.

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax, ayaa ka hadlay ujjeedooyinka loosoo abaabulay barnaamijkaan inay ugu muhiimsan tahay In la fahmo dayacnaanta ku xeeran dhalinyarada waxbaranaysa oo ah kuwo ugu unugul inay tahriibaan.

Wasiirka waxbarashada Puntland  Abshir Yuusuf Ciise, ayaa sheegay mustaqalka dhow Soomaaliya inay ahaandoonto Wadan nolol loosoo raadsado, wuxuuna dhalinyarada ku booriyay inay dalkooda iimaansadaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...