Guddoomiye Thaabit “Cadaalad ayey heli doonaan muwaadiniintii ay dhibka u geysteen Gaadiidka AMISOM” (Sawirro)

Date:

Muqdisho (SONNA)  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmadda Hodan Maxamed Axmed Cantoobo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhib ay u geeysteen gaadiidka Ciidamada AMISOM, xilli ay marayeen Wadamada KM4 ee Magaalada  Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ay wada hadleen Madaxda ugu sarreeysa Ciidamada AMISOM, dhibka ay geeysteenna uu kala hadlay, isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalad ay ku heli doonaan dhibaneyaasha.

“Waxaan la kulmay muwaadiniintii ay dhibka u geysteen ciidamada Amisom, Alxamdulilah way nabad qabaan, cadaaladna way helidoonaan dhawaan” Guddoomiye Thaabit ayaa sidaasi Bartiisa Twitterka ku daabacay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...