R/Wasaare Khayre “dhalinyarada haka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Shabaab”

Date:

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo la hadlayay dhalinyarada Gurmad Qaran ayaa sheegay in dalka uu galayo xaalad dagaal oo aan caadi ahayn si looga aar goosto maleeshiyada Shabaab oo gabood falka u geysanaya shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay in ay qaataan dowrkooda ku aadan dagaalkaasi ka dhanka ah Alshabaab,si looga jawaabo xasuuqii 14kii bishan maleeshiyada Shabaab dad shacab ah ugu geysteen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kala hadli doono arrimahaasi dagaalka, islamarkaana uu isga hoggaamin doono,isagoo dhalinyarada ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad iyo difaaca dalka iyo dadkooda.

Qarixii 14kii bishan ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho oo dhimasho iyo dhawac ay ka soo gaareen boqolaal qof oo shacab aan waxba galabsan ayaa si isku mid ah u saameeyay dareenka shacabka Soomaaliyeed,iyadoo ay dheceen bannaan baxyo ballaaran oo lagu qabtay gudaha iyo dibadda dalka loogana soo horjeeday xasuuqa shabaab ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...