Puntland oo ugu baaqday ganacsatada Hubka heysata in ay hubkooda sharciyeystaan

Date:

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Amniga ee Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo Wariyeyaasha maanta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay guud ahaan Xaaladda Amaan ee puntland iyo Howlgallo Ciidamada Amaanka ay ka bilaabeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, laguna baadi goobayo Hubka sharci darrada ah.

Axmed Cabdullaahi Yuusuf Wasiirka Amniga Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Ganacsatada iyo Hay’adaha aan Dowliga aheyn ee  heysta Hubka Sharci darrada ah in hubkooda ay sharciyeystaan, si loo oggaado tirada hubka ay heystaan, lagana warhaayo.

 Wasiirka Amniga Puntland ayaa xusay in arrintaasi ay keeneyso in la adkeeyo Amaanka, islamarkaana Ciidamada ay u fududaaneyso in ay gacanta ay kusoo dhigaan dadka amni darrada abuura ee hubka sharci daradda ee Maamulka aan u diiwaan gashaneen heysta, isagoo Shacabka ugu baaqay in Ciidamada ay la shaqeeyaan.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf, oo sii hadlayey ayaa sheegay in hubka ay sharciyeynayaan uu ugu weyn yahay Qoriga loo yaqoono AK47, ayna oggoleyn hub qorigaasi ka weyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...